Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

TOP NEWS: Dhageyso Maxay tahay Sababta Maamulka Puntland ay u qaadacday Gudiga Sarre ee Saxaafada Soomaliya oo Dhawaan Golaha Wasiirada ay Ansixiyeen????

Maamulka Puntland ayaa Markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay Gudiga Saxaafada ee ka kooban 9 Xubnood kaasi oo dhawaan ay Ansixiyeen Golaha wasiirada Xukuumadda Soomalia.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Wasiirka Warfafainta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay in Puntland ay qaadacday Gudigaan waxaana uu intaasi ku daray in ay Cambaareynaya Xubnaha Gudigaas oo uu sheegay in Puntland aysan ku jirin oo xubin matasha aysan jirin.

Wasiirku waxa uu xusay in Puntland ay Xubno matala u dirsatay Xamar oo wasarada warfaafinta ay u gudbisay balse Nasiib daro Xubnahaasi aan laga soo darin gudiga saxaafada oo Wasaarada Warfaafinta ay Xubin iyada ay kensatay ku dartay Gudiga saxaafada Xubintaasi oo Puntland la sheegay in ay Matasho Balse Wasiir Soocade wuu qaadacay .

Soocade ayaa sidoo kale Wasaarada Warfaafinta soomaliya ku eedeeyay in aysan ku soo daran xeerka saxaafada ee dhawaan la Ansixiyay Aragtiyo ay Puntland gudbisay taasi oo uu ku macneeyay in ay keeni karto in Wasaarada Warfaafinta Puntland ay ka fiirsato in ay la falgasho wasaarada warfaafinta soomaliya.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiirka

Related posts

TOP NEWS: Maamulka Ahlu-Sunna oo Xilalka ka qaaday 14 Xubnood oo Dhuusamareeb ku fashilmay in ay …

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- TOP Wasiirka Arimaha Gudaha Ximin & Xeeb " Shirka Maamul u samaynta Beri ayuu Furmaya + Waraysi k24

admin

AKHRISO: Magacyada & Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada dib loo dooranayo

admin