Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo uu ka Hadlay Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo Maanta Cadaado ku qabtay Shir Jaraa’id oo xasaasi ah?????

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 11:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabeey oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa waxa uu kaga hadlay Dagaaladii ugu dambeeyay Magaalada iyo Cida Masuulka ka aheyd .

Xaashi carabey waxa uu sheegay in Dagaalka ka socda Galkacyo Masuuliyadiisa ay dusha Saaraneyso Maamulka Puntland wuxuuna ku eedeyay in aysan Puntland dooneyn Nabad ka dhacda Galkacyo.

” Sidaa aad a socotaan Puntland waxa ay dagaal ka wadaan Galkacyo waxayna horay u diiday in Nabad ay ka dhalato Galkacyo oo heshiis ay la gashay Galmudug Marka wixii Dhibaato ah ee ka dhalata dagaalka ay Galkacyo ka wado Puntland iyadaa ayaa dusha u ridaneyso.

Madaxweyne ku Xigeenka waxaa uu sidoo kale ka Hadlay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland oo ku aadana in Dowlada Federaalka ay Dagaalka Galkacyo qeyb ka tahay wuxuuna xaashi carabey sheegay in Puntland ay waxay doonto ku Hadleyso wax laga xumaadana ay tahay in Dowlada Dhexe masuuliyad aysan laheyn dusha laga saaro.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Galmudug wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Il gaar ah ku heyso Dagaalada Galkacyo ay ka wado Puntland iyo Dhibaatada ka dhalata in iyada ay masuul ka tahay.

Xaaladda Galkacyo Maanta wey dagantahay Ciidankii dagaalamayna weli waxa ay isku Horfadhiyaan Saldhigyadooda iyo Dhufeesyadii ay ku kala sugnaayeen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Xaashi Carabey