Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Safaarada Soomaliya Ee Dalka Hindiya ay ka tiri Muwaadiniin la sheegay in Dil lagu Xukumay????

no responses
Sunday September 25, 2016 - 1:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Safaarada Soomaliya ee Dalka Hindiya ayaa Faah faahin ka Bixisay Dhalinyaro Soomaliyed oo la sheegay in maxkamad Dalka Hindiya ku taala ay Xukun dil ah ku Riday.

Xoghayaha Koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee dalka hindiya Axmed Maxamuud Xiis ayaa beeniyay warar sheegayay in dhalinyaro soomaaliyeed oo gaaraya 50 ay maxkamad kutaal hidiya dil ku xukuntay isagoo sheegey in wali maxkamada aysan go,aan gaarin.

Axmad Xiis ayaa Intaasi Raaciyay in Warkaan ay qoreen Saxaafada Soomalida ay ka soo xigteen Journal ka soo baxa Dalka Liibiya oo Warbixin uu ka qoray Maxaabiista Soomaliyed ee Dalka Hindiya ku Xiran waxaana Wargeyska uu qoray in hadii Maxaabiista ay qirtaan Dambiga ay galeen ay Macquul Noqon karto in Dil toogasho lagu Xukumo.

Balse Xog-hayaha ayaa Meesha ka saaray in wax xukun ah ay dhaceen Maxkamadana ay weli wado Baaritaano dheeri isagoona shacabka soomaliyed u sheegay in Safaarada Soomaliya ee Hindiya iyo Dowlada Soomaliya ay ku dadaalayen sidii Muwadiniintaasi ay Cadaalad ugu heli lahaayen Dalkooda Hooyo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka