Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Saakay laga soo Sheegaya Magaalada Qandala oo Habeenkii Xalay ay soo Buux dhaafiyeen Maraakiib dagaal oo ay leedahay …….

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 4:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararkii ugu Dambeeyay ee Saakay aynu ka heleyno Magaalada Qandala ayaa waxa ay sheegayan in Xalay Fiidkii Xeebta Magaalda Qandala ay aad ugu soo dhawaadeen Maraakiib dagaal oo ay leedahay NATO.

Maraakiibta Dagaalka ah waxaa wata Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Bari ee Soomaliya iyadona Magaalada Qandala ay gacanta ku haayan Koox la sheegay in Daacish ay ka tirsanyihiin.

Qandala Inta badan dadkii ku Noolaay waa ay ka Barakaceen iyadoona Dadka lagu daad gureynaayay Doomo waxaana badaana dadkaasi la geeyay Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ciidamada Puntland oo aad u Hubeysan ayaa Magaalada ku soo foodleh waxaana jirta in Maraakibta Dagaalka NATO ay iyaguna Xeebta Magaalada Qandala ay aad ugu soo dhawaadeen.

Guddoomiyaha Magaalada Qandala ayaa warbaahinta u sheegay in Magaalada Cabsi xoogan ay ka jirto Dadkiina ay ka Barakaceen wuxuuna intaasi ku daray in Ciidamada Puntland ay Magaalada kaabiga kusoo haayan iyagoona donaya in gacan ku heynta Magaalada kala wareegaan Kooxda Daacish oo Dhawaan Magaalada la wareegtay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka