Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Jowhar oo Lagu wado in uu ka….,

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 5:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe Shalay waxaa gaaray Wafdi ka  socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD.

Wafdigaan oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ujeedka safarkooda waxa uu ahaa sidii Maamulka Shabeelada Dhexe iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi ay ugala hadli lahaayeen dardar galin howlaha maamul usameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo in mudo ah hakad ku jiray.

Laa Shaacin Xubnaha ay ka koobanyihiin Wafdigaan iyadoona la sheegay in ay la kulmaan oday dhaqameedyada ku sugan magaalada Jowhar iyo weliba maamulka gobolka Sh/dhexe.

Shirka Maamul u Sameynta ayaa lagu wadaa in Jowhar uu dib uga furmo waxaana jirta in Odayaasha qaarkood aysan weli Imaan Magaalada Jowhar waxaana jirrtay in Oday dhaqmeedka Gobolka Hiiraan ay si cad uga horyimaadeen Qorshada Dowlada Federaaka iyo IGAD ay gar wadeenka ka yihiin oo ku aadan in dib loo furo Shirka Jowhar.

Malintii Shalay Raisul Wasaare Sharmaarke wuxuu ka dhawaajiyay in in go’aanka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan laga soo saari doono shirka madasha wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmay.