Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Gakacyo iyadoo Ciidamo ka tirsan Kumaandoosta Soomaliya ay…..

no responses
Monday November 21, 2016 - 6:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Dhawaan Galkacyo lagu kala qaaday Ciidamadii Mudada isku Horfadhiyay ayaa Wararka aynu Saakay ka heleyno Galkacyo waxa ay sheegayan in Maanta Magaalada la geyn doono Ciidamo ka tirsan Kumaandoosta soomaliya.

Ciidamada Sida gaarka u tababaran ee DANAB loo yaqaan ayaa lagu wadaa in Maanta la geeyo Magaalada Galkacyo si ay uga qeyb qaataan Nabada Galkacyo.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Galmudug Xasan Maxamed Warsame  ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Kumaandooska ay Gaalkacyo imaanayaan islamarkaana ay la shaqeyn doonaan Guddiyada Labada Maamul ay u Xilsaareen ka shaqeyn Nabdda Gobolka Mudug.

Wasiirku wuxuu Intaasi ku daray in Ciidankan ay la shaqeyn doonan Guddiyada Labada Maamul si loo soo xoojiyo Heshiikii Nabadeynta Galkacyo.

Wararka qaar ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in maanta Magaalada Galkacyo Labadeda dhinca waa Koonfurta iyo Wuqooyiga ay usoo shaqo tagi doonan Guddoomiyaasha Gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug .

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu wadaa in Saakay uu ka shaqo bilaabo Koofurta Galmudug,halka kan Galmudugna uu ku shaqeyn doono Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaana taasi ay ka dhigeysa in Is dhex gal uu yimaado.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka