Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Maxamuud Sayid Aadan uu ka Dhawaajiyay Xili Dagmada Doolow laga….

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 1:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka warbixiyay Xero Ciidan oo laga dhisayo Degmada Doolow taas oo loogu tala galay in lagu Tababaro Ciidamada Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay Maamulka Jubbaland ka taageereyso dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Jubbaland islamarkaana qalabeynta Xeradaasi ay gacan weyn ka qaadaneyso.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan Tayaynta Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo sidii ay u heli lahaayeen Tababaro dhameystiran.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah Dowladdaha Taageera Maamulka Jubbaland, Waxaana Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ay horay u sheegeen in ay wadaan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Jubbaland.