Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug uu ku dhawaajiyay Xili Galmudug ay u diyaar Garoobeyso…..

no responses
Thursday September 22, 2016 - 10:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi carabey oo Warbaahinta kula Hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in galmudug ay ka shaqeyn doonto Sugitaanka Ammaanka Xarumaha ay ka dhacayan Doorashooyinka .

Xaashi Carabey wuxuu sheegay in ay Bilaaban doonan Howlgal Guud oo lagu Xaqiijinaayo Ammaanka iyadoona Ciidanka Xooga dalka ay si wada jir ah Holwgalkaasi uag qeyb qaadan doonan.

” waxaad la Socotaan In Cadowgeena uu doonaayo in uu noo soo xaluusho oo dhibaato uu gaarsiiyo dadkeena Marka waxaa loo baahanyahay Ciidanka in ay ka Foojignaadan dhibaatada ay Cadowga la damacsanyihiin Deegaanada Galmudug” ayuu Yiri Xaashi Carabey.

Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka ayaa ka dhawaajiyay in la sameeyay Gudi ka shaqeyn doona sugitaanka Ammaanka waqtiga doorashada .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug