Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Hada laga soo sheegaya Magaalada Qandala oo Kooxda Daacish ay Gacanta ku heyso

no responses
Thursday November 10, 2016 - 9:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa laga Helaaya Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo duqeyay Magaalada Qandala oo ay Gacanta ku haayan Koox Taabacsan Daacish.

Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland, ayaa la sheegay in ay xalay rasaas ku rideen maleeshiyaad ka tirsan koocda Daacish oo ku sugan degmada Qandala, taas oo keentay in maleeshiyaadkaasina ay rasaas kale ku jawaabaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Badda Maamulka Puntland oo wata Doomo ay Dhanka Xeebta ka soo duqeeyeen Magaalada Qandala.

Illaa iyo hadda ma Cadda khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, hasa yeeshee xaaladda, ayaa maanta ah mid ka deggan sidey xalay aheyd.

Puntland weli kama aysan Hadlin Weerarka Duqeynta ah oo Xalay Ciidamdeeda ay kuq aadeen Magaalada Qandala ee Gobolka Bari.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka