Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Guddoomiyaha Dagmada Ceel-waaq ka Sheegay Dagaalkii ka dhacay Ceel-waaq iyo Qasaaraha ka dhashay???

no responses
Saturday September 17, 2016 - 10:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maalintii Shalay Dagaal ka dhacay Dagmaada Ceel-waaq ay kula Wareegeen Dagaalyahanahada Alshabaab ayaa waxaa soo baxaya Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalkii dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha Degmada Ceel-waaq Ee Gobolka Gedo Ibraahin Guuleed Aadan ayaa ka hadlay Dagaal Shalay Al-shabaab ay kula Wareegeen Degmada Ceel-waaq.

Ibraahin Guuleed Aadan ayaa sheegay in Maanta ay si buuxda Magaalada u Maamulayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  islamarkaana ay Al-shabaab ka carareen Magaalada sida uu hadalka u dhifay.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Maanta ay ku mashquulsanyihiin Aaska Marxuumiinta Dagaalka ku dhintay oo la sheegay in uu ku jiro Taliyihii Dagmada Ceel-waaq Allaha ha u Naxariistee Aadan Koronto.

“6 Askari ayaa nooga dhimatay Dagaalka,Al-shabaabna waxaan gaarsiinay Khasaaro badan”ayuu yiri Ibraahin Guuleed Aadan.

Xaalada Magaalada Ceel-waaq ayaa ah mid dagan waloow laga dareemaayo Saameynta uu ku yeeshay Dagaalkii shalay ku dhexmaray Alshabaab iyo Ciidanka Dowlada oo kaashanaya kuwa Kenya ee Amisom qeybta ka ah.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha