Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Guddiga Doorashooyinka uu ka yiri Xubnaha Aqalka sare ee Lasoo Gudbiyay??? Wareysi Xasaasi ah ayaan Idin kaga heynaa

no responses
Sunday October 9, 2016 - 11:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddida doorashada dadban ee Soomaaliya oo shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay in hal dawlad goboleed ay u soo gudbiyeen liiska xubnaha u sharaxan Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddida doorashada dadban Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu soo gudbiyey illaa 22 musharax oo u tartamaya golaha sare, halka uu sheegay in maamul goboleedada kale uu ka rajo qabo inay si dhakhso ah u soo gudbin doonaan.

Guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in weli ay u baahan yihiin in talo laga gaadho habka xulista xildhibaannada Aqalka Sare ee Hiiraan iyo Shabeelle iyo weliba Somaliland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga