Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Galmudug ay ka tiri Baaq ay Q.M usoo Jeedisay oo ku Aadana in Liiska Xubnaha Aqalka Sare ay ka saarto General Cabdi Qeybdiid???

no responses
Monday October 17, 2016 - 8:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay warar warbaahinta qaar ay baahiyeen kaasi oo ahaa in Warqad ka soo baxday Danjiraha Q.M ee Soomaliya in ay soo gaartay Maamulka Galmudug .

Warqadaasi waxaa ku qornaay in Galmudug ay Liiska Musharixiinta ka saarto General Cabsi Xasan Cawaale Qeybdiid .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir  ayaa Beeniyay in Maamulka Galmudug ay QM u soo gudbisay Warqad Galmudug looga Dalbanayo in ay Aqalka sare ay ka reebto Xubno Dambiyo ka galay Soomaaliya.

Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Muwaadin Reer Galmudug ah oo Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ay Codsiiyeen aysan dhici karin in LIiska looga saaro Damac Dad kale ka yimid.

Galmudug waxaa uu Noqday Maamulkii Ugu horeeyay ee Qabtay Doorasho Xalaal ah oo Aqalka sare lagu soo dhisaayo taasi oo ay ku bogaadiyeen Guddiga doorashada iyo Madaxda Qaranka ugu sareeyso.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Facebook Comments