Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Ciidamada Jubbaland ay ka Sameeyen Deegaanka Buulo-gaduud oo 30-KM u jirta Magaalada….

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-guduud oo qiyaastii 30-KM ujirta magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Dagaalka oo saacado kooban qaatay ayaa ciidanka Jubbaland waxaa u suura gashay in ay la wareegaan deegaanka Buulo-guduud iyo deegaano kale.

Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in dagaalka uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi ka dagaalamay.

Afhayeenka laamaha amaanka maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab)  ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Howlgaladan ay wadaan ciidanka maamulka Jubbaland ayaa waxaa ujeedkooda uu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay Jubbada Hoose oo la sheegay in looga dilay Dagaalyahano ka tirsan.

Related posts

Xildhibaan Dalxa, “48saac ayaa loo qabtay in lagu soo ogaado darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadka Soomaaliya”.

Tifaftiraha K24

XOG CULUS: Xildhibaanada Baarlamanka oo Kulan Deg Deg ah ka Yeelanaya Xil ka qaadistii Caydiid Ilka Xanaf iyo Xasan Shiikh oo lagu…

admin

Daawo Puntland oo si caajib ah ugu diyaar garowday Furitaanka Garoonka Bosaaso

admin