Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo 24 kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Dagmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan

Maamulka Dagmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Howlgal ay Si wada jir ah u Sameeyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo lagu so qab qaabtay Rag ka tirsan Alshabaab.

Gudoomiyaha degmada Buulo Burde Cabdicasiis Duuroow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Howlgalda ay yihiin kuwa Joogta ah oo Amniga Dagmada lagu xaqiijinaayo isagoona carabka ku dhuftay in markasta ay howlgalka ay ku soo qab qabtaan rag lala xiriirinaayo in shabaabka ay ka tirsanyihiin.

Guddoomiye Duurow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in uu bilowday howlgalka alshabaab looga saaraayo deegaanada hoos yimaada Dagmada Buulo-burde oo hada gacanta shabaabka ku jirta.

Dagmada Buula-burde oo hada ay gacanta ku haayaan Ciidamada Dowlada iyo  kuwa Amisom ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay shabaabka ku soo qaadaan waxaana lagu wadaa in Dagamadaan ay noqoto Caasimadda Maamulka loo dhisaayo labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe .

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Guddoomiyaha

Related posts

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo Saakay Lagu Xiray Garoonka Diyaaraddaha Muqdisho

admin

Daawo Sawirro Dheeraad ah oo aan ka helnay Weerar Xalay lagu qaaday Xarun Ganacsi oo ku taala Magaalada …..

Tifaftiraha K24

Warar Kala Duwan oo ka soo baxaya Weerarkii Lagu qaaday Saldhiga Bartamaha Boosaaso

Sakariye Sakariye