Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaad kala Soctaa Sababta General Diini uu Maanta u tagay Magaalada Cadaado Xili Dhawaan ay…..

no responses
Saturday October 1, 2016 - 6:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa Maanta waxa ay Gaareen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug.

Wafdiga waxaa si diiran loogu soo Dhaweeyay Magaalada Cadaado Iyadoona Wafigaan ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Ujeedka Socdaalka General Diini ayaa la sheegay in ay tahay Sidii la isugu Dhafi lahaa Ciidanka Xooga Dalka Sooamliyed iyo sidoo kale bixinta mushaaraadka ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolada Mudug iyo sidoo kale Galgaduud.

Wasiir Diini ayaa Horay u sheegay in ay Dajiyeen Qorsha loogu tala galay in Ciidanka Xooga Dalka ay si Joogta ah u helaan Mushaarkooda waxaana Tani ay Bilow Wanaagsan u tahay Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka General Diini