Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaad kala Socotaa Qorshaha ay Dowlada Federaalka u Dajisay Deegaanada ay Faarujiyeen Ciidamada Itoobiya??

no responses
Thursday October 27, 2016 - 10:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Gashaandhiga Xukuumada federalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ay qasab tahay in Ciidamo Soomaali ah la geeyo deegaanadii ay dhowan faarujiyeen Ciidamada Itoobiya

Wasiirla  oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku tashtaan isla markaana ay garab istaagaan Dowlada Soomaaliya, isagoo  xusay in Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay buuxiso goobaha ay Ciidamada Itoobiya baneeyeen.

Wasiirka Diini ayaa u mahadceliyey Dowlad kasta oo garab istaagtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dhanka kale waxa uu wasiirka sheegay in aysan suura gal ahayn in amaanka dalka uu qof kale Wakiil ka noqdo.

Wasiirka Gashaandhiga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shacabka ka dalbaday  in ay la dagaalaamaan Alshabaab, isaga oo xusay dhibka ay kala kulmayaan kooxdaasi marka ay ku hoos nool yihiin in uu aad uga yaraan doono haddii ay dhinac uga soo wada jeestaan oo ay iska difaacaan iyaga oo kaashanaaya Dowladooda.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka