Animation

TOP NEWS: Dhageyso Magaalada Qandala oo Dadkii ku Noolaa ay Gabi ahaan ka Qaxeen Xili Diyaarado dagaal iyo Maraakiib ay……

no responses
Monday October 31, 2016 - 6:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayan in Barakac xoogan uu ka Bilowday Gudaha Magaalada kadib Markii la sheegay in Halkaasi ay ku wajahanyihiin Ciidamo badan oo Puntland ka tirsan.

Dhawaan ayey aheyd Markii Magaalada ay soo galeen islamarkaana ay la wareegen Koox sheegatay in Daacish ay ka tirsanyihiin waxaana tan iyo wixii xiligaasi ka dambeeyay Magaalada ay gashay Cabsi xoogan.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala Siciid Maxamed Waaberi oo haatanna ah xisaabiye ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa VOA u sheegay in guud ahaan shacabkii ku noolaa degmada Qandala inay ka qaxeen magaaladaas ka dib markii koox gacan-saar la leh ISIS ay qabsadeen Qandala.

Siciid oo ku sugan meel u jirta 20 KM degmada Qandala ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee dadku uga soo qaxeen magaalada ay tahay, cabsi ay ka qaadeen diyaarado magaalada dul heehaabaya iyo maraakiib dagaal oo ku soo dhowaaday xeebta.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka