Animation

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweyne Xasan Shiikh oo Markii Ugu Horeysay Jawaab Kulul Siiyay Axmad Siilaanyo iyo Maamulkiisa Soomaliland.

no responses
Friday September 16, 2016 - 8:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh maxamuud ayaa Markii Ugu Horeysay Jawaab Kulul siiyay Maamulka Isku magacaabay Soomaliland.

Madaxweyanaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in IGAD ay aqoonsan tahay Qaranka Soomaaliyeed oo kaliya, laakiin meel Soomaaliya in IGAD aysan ku shiri karin iyagoon Dowladda Soomaaliya fasax ka heysan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa Waxa uu jawaab Culus u yahay Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Axmed (Siilaanyo) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa Isagoona  sheegay in Maamulkiisa uu ka soo horjeedo dhamaan Qodobadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii IGAD.

Madaxweynaha Wuxuu Yiri” Si kastoo Soomaliland ay u Dadaasho in aysan Gaari karin in Madaxda IGAD ay soo baxaan oo Maamulkaasi ay shir ku qabteen taasina ma ahan wax weligeed dhici doonto mana la aqbali kari ” ayuu Yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu yiri” IGAD Kaliya waxa ay Aqoonsantahay Soomaliya Midnimadeeda Magaca Soomaliya oo Kaliya ayeyna IGAD Soomaliya ku Imaan kartaa Dalka oo dhan Lakin Magaca Maamul aan Marnaba dhici karin” ayuu hadalkiisa Intaasi raaciyay madaxweynaha.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha