Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweyne Gaas” Markuu Garoowe kusoo laabtay Muxuu ka yiri Dagaallada Hada ka socda Deegaanada Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas oo safar dalka Dibaddiisa ku maqnaay ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha marka uu soo gaaray garoowe waxaa uu saxaafada uga waramay Safarkiisa Dibbada uu ku maqnaay iyo Dagaalada ka socda Deegaanada Puntland waxaana uu si qota dheer uga hadlay shabaabka kusoo yaacay deeganada Xeebta ah ee Mudug iyo Nugaal ka tirsan.

madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inaysan is dhigan, islamarkaasina uusan dagaalku weli dhammaan., waxaana uu yiri“Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan u sheego dagaalku ma dhammaan. Shabaab waa yimaadeen,  waa la jabiyay, waana laga guulaystay, laakiin dagaalku wuu dheeraanayaa , shidada Shabaabna waa sii soconaysaa, marka waxaa loo baahan yahay inaanan is dhiganin oo aynan dhihin waan guulaysanay kaliya.”

Madaxweyne Gaas ayaa u mahad celiyay Ciidamada Puntland sida ay uga hortageen shabaabka kusoo xoomay deeganada puntland dagaalna kula galay deegaano badan oo ku yaala gobollada Nugaal iyo Mudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Madaxweyne Gaas

Related posts

Dhagayso:- Raali gelin laga bixiyay Dhacdadii rasaaseynta aheyd ee dhowaan ka dhacday Dhul dowli ah oo ku yaala Gaalkacyo

Tifaftiraha K24

Amisom ayaa sheegtay in aysan waxba ka ogeyn Xarrigii Abuu Mansuur loogu geestay Baydhabo

admin

DEG DEG:-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

admin