Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maamulka Hirshabeele oo ka Hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 3:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii is miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay magaalada Beledwayne Ee Gobalka Hiiraan.

Shir Jaraa’id oo si wadajir ah ay uqabteen Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle iyo Afayeenka Baarlamaanka Dowlada Hirshabeelle ayaa waxa ay ugu hadleen Dhibaatadii Maanta ka dhacday Galbeedka Magaalada Beledwayne.

Mudane Cali Cabdullahi Cali Guudlaawe iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa si wadajir ah shir jaraaid ugu qabtay Magaalada Jowhar ayaa uga Tacsiyeeyay Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM dhibkii ka soo gaaray.

Madaxwayne Ku xigeenka Hirshabeele Ayaa sheegay in Ciidamada Dolwada soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay ka hortageen Weerarkii maanta islamarkaana aysan noqon sidii ay rabeen Cadawga sida ay sheegeen Masuuliyiinka Dowlada Hirshabeelle.

Afhayeenka Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ugu hareen hadlay ayaa ugu tacsiyeeyay shacabka iyo Ciidamada Jabuuti dhibkii ka soo gaaray weerar maanta lagu qaaday Xero ay ku la haayeen Galbeedka Beledwayne.

Waxa ay sheegeen masuuliyiinta in qaraxaasi uu wax yeelo ugeestay dad shacab ah iyo ciidamo ilaahayna uga baryayaan in janada firdowso uu alle ka waraabiyo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id