Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo Cadeeyay in dagaalka Marka ka socda ay ka…

Iyadoo Magaalada Marka ay ka socdaan dagaal Beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ku sugan gudaha magaalada marka ayaa waxaa jirtay in dagaaladaasi ay dhibaato badan ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee labada Beelood ee dirirta u dhaxeysa ku abtirsada.

Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu joojinaayo dagaalka ka socda marka waxaana maamulka uu intaasi ku daray in ay ku dadaali doonan joojinta dagaal markale marka ka dhaca.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in Rajo wanagsan ay ka qabaan xalista iyo in ay ka guul gaaraan dagaal beeleed Markale ka dhaca Guud ahaan gobolka Gaar ahaan Magaalda Marka.

Maamulka Gobolka ayaa sidoo kale wada dadaalo la isugu keenaayo odayaasha laba dhinac ee Marka ku dagaalamaya si ay uga wada hadlaan dagaalka soo laab laabtay ee Beelahaasi u dhaxeeya kaasi oo dhiig badan oo maati ah ay ku daateen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

 

Related posts

AKHRISO:- Madaxweyne Gaas Oo Shaqaddii ka Cayriyay Labo Taliye.

Ahmed sudani

War Hada Soo Dhacay: Ciidamada Puntland oo Sheegtay in ay Gudaha u galeen togga Suuj ee u dhexeeya degmada Bandar Bayla iyo EYL oo Shabaabka ay Dhufees ka Dhigteen

admin

TOP NEWS: Dhageyso Heshiis Afar Qodob ka Kooban oo Maanta Caabud-waaq ku Dhexmaray Waxgaradka Beelihii Dhawaan ku dagaalamay Magaalada+Sawirro

Tifaftiraha K24