Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maamulka Ahlusunna oo Si Layaab leh uga Hadlay Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Deegaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaliya…

no responses
Sunday October 30, 2016 - 8:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku Fashilantay in ay Daboosho baahidii Ciidan ee ay ku buuxin laheyd Goobaha ay ka baxaan Ciiidamada AMISOM iyo kuwa aan AMISOM ka tirsaneyn Ee Jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka AMISOM aysan ka faa’idaysan dowladda Soomaalida ,madaam uu sheegay sababta ciidanka AMISOM loo keenay  dalka in ay aheyd in lagu dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

“Dowladda Soomaaliya Mudadii ay jirtay waxaa laga rabay in ay dhisto Ciidankii Xoogga Dalka ee badali lahaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM,si ay u yaraato Walaaha ay qabaan Dadka Soomaaliyeed,taasna waa la waayay oo Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mas’uul ka ah”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka