Animation

TOP NEWS: Dhageyso Laanta Socdaalka Soomaliya oo Lagu Eedeyay in laaluush ay ku qaadatay Muwaadinin Soomaliyed oo Dowlada Norway ay Muqdisho kusoo Celisay

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 3:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Bilihii u dambeeyay waxaa la sheegay in illaa iyo 10 qof oo Soomaali ah oo dhallinyaro u badan laga celiyay dalka Norway laguna celiyay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.

Dadkaasi ayaa isugu jiray kuwo sharciyada loo diiday iyo kuwo degenaansho heystay laakiin lagu eedeeyay inay markii hore musuq maasuqeen sida ay ku heleen degenaanshaha.

Dadka la celiyay waxaa ka mid ah Axmed Ashkir Cali oo dhawaan lagu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Axmed ayaa sheegay in dad ka shaqeeya garoonka Muqdisho ay xiriir la leeyihiin dowladda Norway kalana shaqeeyaan dadka dalka lagu soo celinayo.

Dhinaca kale Axmad wuxuu sheegay in Sanadkii 2014-kii sidan oo kale la qabtay oo la isku dayay in si qasab ah loosoo celiyo balse uu diiday General gaafow oo xiligaasi ahaa Taliyaha Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib markii uu Dowlada Norway u sheegay in aysan soo Celi karin si qasab ah Muwaadin soomaliyed oo Ogolaansho aan laga heysan balse Hada waxa uu shaaciyay in ay jiraan dad laaluush qaatay oo ka shaqeeyay in Xamar dib loogu soo celiyo .

Halkaan hoose ka Dhageyso Codka