Dhageyso: Xildhibaan Yuusuf Axmad oo Kashifay Natiijada uu kusoo dhamaaday kulankii ay la yeesheen Farmaajo

0

Madaxweynaha soomalia maxamad c/llahi farmaajo ayaa kulan albaabada u xiranyihiin la qaatay xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducalle geelle xaaf.

kulanka oo ka dhacay magaalada muqdisho ayaa waxa uu socday mudo dhowr saacado ah iyadoona shirka uu ahaay mid labada dhinac ay isku mari waayeen qodobada qaar .

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa xildhibaanada hor dhigay qodobo ay kamid yihiin in ay la heshiiyaan madaxweyne xaaf ayna ka tanasulaan mowqifkooda ku aadan in xaaf ay xilka ka qaadeen.

Kulanka ayaa la sheegay in markii dambe uu fashil kusoo dhamaaday oo dhinacyada ay isku fahmi waayeen laguna kala tagay.

Xildhibaan Yuusuf Axmed Ciyow oo kamid ah mudanayaasha la kulmay Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynaha arrin aan soconeyn u keenay iyagana ay ka biyo diideen arintaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha ay ka diideen in ay ka laabtaan mooshinkii ay horay uga keeneen xaaf .

Lama oga in markale uu kulan dhexmari doono farmaajo iyo xildhibaanada ku dhagan xaaf ee mooshinka xil ka qaadista horay uga keenay.

Halkaan ka dhageyso codka