Animation

TOP NEWS: Dhageyso Jubbaland oo Soo bandhigtay Magacyada Saraakiil Shabaab ka soo goostay

no responses
Thursday September 8, 2016 - 6:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maamulka  Jubbaland ayaa shaaciyay in ay isku soo dhiibeen Saraakiilka tirsan Alshabaab.

Afhayeenka Hey’adda Nabad Sugida Jubbaland Axmad Maxamuud Maxamad( Axmad Carab ) oo Saxaafada kula Hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maalintii Shalay ay isa soo dhiibeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo Ciidanka ay hada Gacanta ku haayaan.

Axmad Carab Wuxuu Sheegay in Saraakiisha isa soo dhiibtay ay kala yihiin Nin Lagu Magacaabo Khaalid iyo Cabdi Salaam iyo Nin Lagu Magacaabo  Maxamad Faarx Coon oo Shalay Kismaayo soo galay Isaga iyo gaari Ciidan oo uu watay oo Alshabaab ka soo goostay.

Afhayeenka ayaa ugu Baaqay Raga ku harsan Shabaabka in ay ku daydaan Saraakiishan isa soo dhibtay ayna ka faaiideystaan Fursadaan Cafiska ah ee loo fidiyay Xubnaha Shabaabka ah.

Wuxuu u balan qaaday in Sargaalkii shabaab kala soo goosta Qorigiisa iyo baabuur ciidan in uu Muteysan doono Abaal Marin Culus oo Maamulka Jubbaland uu ugu tala galay.

Ugu Dambeyn waxa uu xusay in Maalmaha soo socda ay Ciidanka Jubbaland la wareegi doonan deegaano dhowr ah oo shabaab ay kaga suganyihiin Jubboyinka .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Afhayeenka

Facebook Comments