Animation

DAAWO: Isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka oo War Culus ka soo Saaray Maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh.dhexe Kana digay IGAD iyo beesha Caalamka ay…..

no responses
Saturday September 17, 2016 - 5:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xubno ka Mid ah Isbaheysiga Isbadal Sameynta oo Ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Maanta soo saareen Maamulka loo dhisaayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh.dhexe iyo Doorashada Soomaliya habka loosoo dhisaayo xildhibaanada.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay soo jeedinayaan in dib loo dhigo Sameyntiisa illaa Dalka ay ka dhacdo Doorashada la filayo in Bisha October ay Soomaaliya ka dhacdo.

Isbaheysiga ayaa Baaqooda ku sheegay In Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh uu Xilka ku wareejiyo Jawaari Maadama Xilkiisa uu ku ekaa  September.

Sidoo kale Isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka Dalka ka jiraa ayaa ku baaqay in Dib loo dhigo Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelada dhexe jaanisna loo siiyo in Dowlada Cusub ee Imaan doonta in Maamulkaasi ay dhisto.

Isbaheysiga ayaa Uga digay Beesha Caalamka iyo IGAD in ay qeyb ka Noqdaan Dhismaha Maamulka hiiraan iyo sh.dhexe oo ay ku sheegen in Madaxweynaha uu doonaayo in Ol olahiisa uu ku Meel maro.

Ugu dambeyn Isbaheysiga ayaa soo jeediyay in Guddiga Doorashada Dadban ay ka howlbilaabaan Magaalada Beled-weyne laguna soo xulo Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka