Animation

TOP NEWS: Dhageyso Imaaraadka carabta oo soomaliland ku qasbay in ay ku qanacdo in soomaliya ay kasii mid ahaato 25 sano ee soo socota Maxay tahay sababta???

no responses
Monday February 13, 2017 - 8:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka soomaliland ayaa la sheegay in uusan weli qaadan go’aanka dhabta ah ee kaga go’i karo soomaliya inteeda kale kadib markii heshiis ay la galeen imaaraadka carabta weliba iyagoo isu heysta in soomaliya ay qeyb kamid ah yihiin.

Heshiiska imaaraadka carabta ay la galeen waxa uu dhigaya in imaaraadka uu saldhig milatari ka sameysto magaalada berbera iyadoo heshiiska uu imaaradka la galay soomaliland uu la mid yahay heshiis uu la galay maamulada kale ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha baarlamaanka soomaliland c/raxmaan cirro ayaa qaba fikradda ah in soomaliland aysan qaadan go’aanka ay soomaliya uga go’eyso maadama heshiiska ay gashay uu ka dhigaayo in maamul dowlada federaalka hoostaga in ay yihiin.

Cirro wuxuu sheegay in Heshiiskaan uu muujinayo in Somaliland ay ka mid tahay dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada soomaliland ayaa shalay ansixyay in heshiiskaan uu noqdo mid sharci ah balse waxaa hareeyay fadhiga baarlamanka buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray xildhibaanada qaarkood.

Halkaan ka dhageyso codka