Animation

TOP NEWS: Dhageyso ICJ oo Digniin kama dambeys ah u dirtay Dowlada Kenya iyadoona u qabatay in Mudo 6 Bilood ah ay…..

no responses
Saturday February 4, 2017 - 7:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xeer ilaaliyaha qaranka Axmad cali daahir waxaa uu kamid ahaay xeer ilaaliyayaasha ku sugnaay xarunta maxkamadda ee ku taala magaalada hague ayaa waxaa uu sheegay in guul weyn ay u tahay soomaliya go’aanka ICJ ay khamiistii gaartay.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu kaloo sheegay in maxkamadda ay ku qanacsaday dacwaddii ay soomaliya gudbisay sidaasna ay ku gacan seertay doodii ay waday kenya soomaliyana loogu ogolaaday in dacwaddeeda la dhageysan karo.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

ICJ hada waxa ay u madax banaantahay in ay qaado dacwadda badda ee u dhaxeysa soomaliya kenya ayuu sheegat axmad cali daahir isagoona carabka ku dhuftay in guusha ay soomaliya gaartay ay qeyb ka qaateen Xukuumadda soomaliya aqoonyahano iyo dhamaan shacabka soomaliyeed ee markasto rajeynaayay in ay maqlaan go’aanka ay hada qaataday maxkamadda.

Ugu dambeyn xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamadda ay mudo 6 bilood ku siman u qabatay dowlada kenya in ay uga soo jawaabto eedeymaha iyo dacwaddaha ay soomaliya soo gudbisay kadibna waxa ay maxkamadda guda gali doontaa in ay dhageysato dooda labada dal kadibna ay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto kiiskaan ku saabsan badda soomaliya oo kenya ay dooneyso in ay xoog ku qaadato.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.