Animation

TOP NEWS : Dhageyso: Howlgalo farmaajeysan oo ka bilowday deegaano ka tirsan gobolka…..

no responses
Thursday February 16, 2017 - 12:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Deegaano ka tirsan gobolka baay waxaa ka bilowday howlgal lagu sugaayo amniga oo ay sameynayan ciidamada booliska gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed.

Howlgalkaan oo lagu baacsanaayo xoogaga alshabaab ayaa waxaa loogu magac daray guusha madaxweyne farmaajo .

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq ayaa sheegay in Howlgalkan uu yahay mid lagu baacsanaayo alshabaab.

Guddoomiye caddow wuxuu intaasi ku daray in howlgalkaan ay ugu magac dareen madaxweyne farmaajo aynu ku maamuusayan guusha shacabka ee ah in hogaan wanagsan uu dalka yeeshay kaasi oo shacab iyo ciidanba ay aad usoo dhaweeyen.

 Halkaan ka dhageyso codka