Animation

TOP NEWS: Dhageyso Hey’adda Culimadda Soomaliyed oo War ka soo saaray Qoondada Haweenka ee Doorashada dalka ka dhaceysa

no responses
Sunday October 2, 2016 - 11:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan ay Maanta Muqdisho ku yeesheen Hey’adda Culimada Soomaliyed ayaa waxa ay kaga hadleen Arimaha Doorashooyinka iyo Qoondada loogu tala galay haweenka Soomaliyed  in ay ku yeeshaan Xubnaha Dowlada Cusub.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed, ayaa maanta Saxaafadda u sheegay inay arintaasi u arkaan mid carqalad ah.

“Culimada Waxa ay umadda uga digayaan Barnaamijka Kootada Haweenka waayo waa qorshe ay gaaladu wadato, hor dhacna u ah Dhaqaln rogga Bulshada iyo Bur burinta Qoyska.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay Qoondada Haweenka ee Siyaasada inay tahay mid carqalad ku ah qabsoomida Doorasho xalaal ah oo Somaliya ka dhacda.

“Kootada Dumarka waxay carqalad ku tahay in la helo Doorasho Xalaal ah waxayna qofka ka xayuubinaysaa Xorriyada codkiisa waana jajuub iyo ara-kutaaglayn qaawan.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waxaan soo jeedinaynaa Madaxda dalka inay ka run sheegaan ilaalinta Diinta iyo dalka ay u dhaarteen oo aysan qayb ka noqon qorshahaas lagu hagardaameynaayo Umaddooda.”

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in umada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan shareecada islaamka.

Sheekh Muuse  Axmed Ciise oo ka mid ah Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sharaxay bayaanka kasoo baxay hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka