Animation

TOP NEWS: Dhageyso Hanti dhowraha qaranka oo soo bandhigay xurguf u dhaxeysa isaga iyo ra’isul wasaare kheyre

no responses
Friday May 5, 2017 - 9:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadis ay xalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xil ka qaadista ayaa daba socotay dilkii habeenkii Arbacada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya, marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, kaas oo la sheegay inay dileen ilaalada Hanti Dhowraha Guud.

Hanti-dhowaraha wuxuu sheegay in xil ka qaadistii loo mari karo oo kaliya baarlamaanka soomalia hadii baarlamanaka uu xilka ka qaado uu aqbali doono.

Hanti dhowraha ayaa intaa ku daray in xil ka qaadistiisa ay salka ku heyso warqad uu dhawaan u diray ra’isul wasaaraha oo uu ugu sheegaayo in sharci daro ay tahay in shaqada lagu faragaliyo hey’ad ama wasaarad dowladeed waxaana uu xusay in ra’isul wasaaruhu ka carooday warqaddaas sidaasna uu xilka uga qaaday.

Facebook Comments