Animation

TOP NEWS: Dhageyso guddoomiye dagmo oo xalay ka bad baaday dagaal beeleed ka dhacay dagmada….

no responses
Wednesday June 14, 2017 - 9:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ugu yaraan 9 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dagaal xalay maqribki laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen dhinacyadi iska soo horjeeday.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas Cali Xaaji Xasan, ayaa VOA-da u sheegay in dhaawacyada malayshiyaadka dagaalamay la geeyay isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Baledweyne.

Dagaalka xalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul la degaameyn rabay.

Guddoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in dagaalka uu ka dhashay daaqsiin dhulka ah oo xoolo dhaqatada dhexmaray.