Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Guddoomiyaha Kismaayo uu ka yiri In Ciidanka Jubbaland ay Xabsiga Dhigeen???

no responses
Saturday October 8, 2016 - 4:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Dhawaan ay soo baxeen Warar sheegayan in Xabsiga la dhigay Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo iyo Ciidan Ilaaladiisa ah ayaa arintaas waxaa ka hadlay oo been abuur ku tilmaamay Guddomiyaha Naf ahaantiisa.

‘Guddoomiye Ibraahin Maxamed Yuusuf (Timo jilic) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay been ay tahay in isaga Xabsi la dhigay wuxuuna arintaasi ku tilmaamay Mid lagu bah dilaayo sharafkiisa iyo masuuliyiinta Jubbaland.

Guddomiye Tima Jilac ayaa intaasi ku daray in Magaalada Kismaayo Amnigeeda uu hagaagsanyahay wararka laga been abuurtayna ay wadaan dad dano siyaasadeed kaleh in sumacada Masuuliyiint ay Meel uga Dhacaan.

Hadalka Guddoomiyaha Kismaayo ayaa waxa uu Imaanaya xili ay soo baxayan warar sheegaya in Xabsiga ay u taxaabeen Ciidanka Amaanka Jubbaland Guddoomiyaha kismaayo iyo Ciidan Ilaaladiisa ahaa.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Facebook Comments