Animation

TOP NEWS: Dhageyso Guddiga doorashada madaxweynaha galmudug oo ku dhawaaqay in doorashada lagu kordhiyay mudo……

no responses
Saturday April 29, 2017 - 12:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashada madaxweynaha galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay in dib u dhac uu ku yimid doorashada madaxweynaha galmudug oo lagu waday in maalinta beri ah ay ka dhacdo magaalada cadaado.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Saciid xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada cadaado ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha galmudug dib loo dhigay sababo jiro awgeed.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in loo baahanyahay in fursad la siiyo musharixiinta u tartameysa doorashada madaxweynaha si ay ula hadlaan xildhibaanada baarlamaanka sidaas darteedna ay qasab noqotay in mudo maalmo ah lagun kordhiyo waqtiga doorashada.

Doorashada waxaa laga dhigay 3-bisha may in ay qabsoonto waxaana ay ku beegantahay maalinta talaadada ee soo socota.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia uu ka dalbaday guddiga doorashada in mudo ay ku kordhiyaan xiliga doorashada si dowladda federaalka ay ergo ugu soo dirto cadaado oo doorashada uga qeyb gala.

Halkaan ka dhageyso codka