Animation

TOP NEWS: Dhageyso Go’aanka ay Dowlada Federaalka Qaadka ku Joojisay Xamar oo kaliya Miyuu ka dhaqan Galaya Hadii ay diideen Maamulada Puntland iyo…….

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 10:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Puntland ayaa sheegay Diyaaradaha qaadka ka keena dalka Kenya inay ka soo degi karaan Garoomada Diyaaradaha ee deeganada Puntland, waxayna sheegtay Puntland inuusan quseyn go’aanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku joojisay qaadka.

Afhayeenka Maamulka Puntland C/laahi Jaamac (Quraan jecel) ayaa sheegay in DOwladda Somaliya aysan ku soo wargelin Puntland sababaha loo joojiyay Diyaaradaha qaadka ka keeni jiray Kenya, isaga oo sheegay hadii ay jirto qataro dhanka ammaanka ah inay aheyd Dowladda Somaliya inay la wadaagto Maamulada dalka ka jira.

Waxa ay sheegeen Puntland dalka inuu yahay mid Federal ah, islamarkaana Garoomada Diyaaradaha Puntland ay u furan yihiin Rakaabka iyo Diyaaradaha qaadka Kenya ka keena.

“Go,aaankaasi ma ahan mid innaga ina quseeya, sidaad la socotid dalka waa Federaal, wasaaradda duulista Hawada markii ay go’aan qaadaneyso waxaa la rabaa inay maamullada u sharaxdo qatarta soo korortay, sidaa darteed annaga go’aankaasi nama quseeyo, garoomada waxay u furan yihiin ganacsatada Somaliyeed haddii ay tahay Rakaab iyo haddii ay tahay Qaad, diyaaradihii ka imaan jiray Kenya Puntland wey u furan yihiin.” Ayuu yiri Afhayeenka Puntland oo Saxaafadda la hadlay.

Soomaaliland ayaa dhankeeda diiday go’aanka kasoo baxay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadaba Su’asha Isweydiinta Mudan ayaa waxay tahay hadii Puntland iyo Soomaliland ay diideen Go’aanka Dowlada Soomaliye Xagee Marka ka dhaqan Gali doona Dowladuse Xamar oo Kaliya miyey Xukuntaa???

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Afhayenka Puntland