Animation

TOP NEWS: Dhageyso Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Lagu qabtay Lacago ay leedahay Xawaaladda Amal

4 responses
Thursday November 3, 2016 - 9:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarun Cusub lagu baaro Dadweynaha Garoonka Aadan Cadde ka dhoofaya oo ku taala inta u dhaxeysa KM-4 iyo Garoonka Diyaaradaha ku qabtay Lacag ay leedahay Xawaalada Amal islamarkaana lagu waday Boorso ka dib markii ay ka shakiyeen.

Maamulaha Guud ee Xawaalada Amal C/wali Muuse Lugeey oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Lacagta ay aheyd mid ay leedahay Xawaaladda islamarkaana loo waday mid kamid ah Gobolada Dalka,waxaana uu Xusay in ay aheyd Lacag Sifo sharci ah uga baxaysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,balse Ciidamada Ammaanku ay ka shakiyeen Lacagta sidaana ay ku qabteen.

C/wali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in Laamaha Ammaanka Soomaaliya ay Lacagtii u Fasaxeen Xawaalada markii ay hubiyeen oo ay ogaadeen in ay Sifo Sharci ah uga baxeyso Magaalada Muqdisho ayna tagtay halkii loo waday.

Lacagta ayaa lagu sheegay in ay gaareysay 1,500,000$ Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Kun oo Dollarka Mareykanka ah ,loona waday Magaalada Hargeysa.