Animation

TOP NEWS: Dhageyso Galmudug oo si kulul uga hadashay weerar ay ciidamada daraawiishta puntland kusoo qaadeen……

no responses
Monday May 1, 2017 - 12:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Galmudug ayaa ka hadashay weerar la sheegay in ciidamo ka tirsan maamulka puntland ay kusoo qaadeen Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamo la rumeysanyahay in ay ka tirsanyihiin daraawiishta puntland ayaa rasaas ku furay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala galbeedka magaalada galkacyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ku dhintay hal ruux oo kamid ahaa dhalinyaradii garoonka ku dheeleysay halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Mudug ee Galmudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka puntland ay weerarka soo qaadeen.

Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in xiisad ka dhalatay weerarkaas ay ciidanka puntland galbeedka galkacyo kusoo qaadeen ay ka dhalatay xiisad hada ka taagan gudaha magaalada galkacyo.