Animation

TOP NEWS: Dhageyso Galmudug oo sheegtay in Dagaalkii shalay Galkacyo ka dhacay ay ku dileen Rag Daacish ka tirsan oo Puntland ka Bar bar dagaalamaayay

no responses
Friday October 14, 2016 - 7:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa si adag uga hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Hubka Culus leeysku adeegsaday.

Saraakiishaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Galmudug lagu soo qaaday Dagaal Seddex Geesood ah wuxuuna xusay Sargaalkaan Galmudug ka tirsan in Dagaalkii Galkacyo ka dhacay ay Puntland ka Bar bar dagaalamayeen Rag ka tirsan Kooxda Daacish oo ka dagaalama Dalka Yaman.

Isagoo sii Hadlaayay sargaakaan ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay Dileen Rag ka tirsan Daacish oo ka barbar dagaalamaya Puntland sida uu hadalka u dhigay islamarkaana sheegay in ay Saxaafadda u soo bandhigi doonaan.

Ugu Dambeyn wuxuu Sargaalka sheegay in Cadeymo Buuxda ay u haayan in Galmudug ay soo ka xeysatay Rag ka tirsan Daacish si Galmudug ay duulaan ugu soo qaado.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka