Animation

TOP NEWS: Dhageyso Galmudug oo Banaanka soo Dhigtay Cida ay ka Xasili la’dahay Magaalada Galkacyo oo Dagaalka sii Hurineysa.. Tollow Waa Kuma????

no responses
Friday October 21, 2016 - 11:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo weli Magaalada Galkacyo ay ka taagantahay Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa Labada Dhinacba ay warbaahinta isku Marinaaya Eedeymo la xiriira Cida Dagaalka hirineysa.

Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Galkacyo ayaa waxa uu Puntland ku eedeyay in ay diidantahay Xal waara oo laga gaaro Colaada Magaalada Galkacyo.

Wasiirka Dekadaha Maamulka Galmudug Burhaan Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada hadalada Dagaalada Gaalkacyo loo xilsaaray Guddiyo isugu jira Dowladda Federaalka, Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug.

Wasiirka wuxuu Intaa Raaciyay in Puntland ay Hurineyso Colaada Galkacyo maadama Buu yiri ay diidantahay Waan waan la gaaro iyo in Labada Maamul ay ka heshiiyaan Colaada Magaalada Galkacyo.

Galkacyo waxey u qeybsantaa Labada qeyb waxaana kala Maamulada Galmudug iyo Puntland Dhanka Koonfureed waxaa Maamula Galmudug Halka Dhanka wuqooyi ay Maamulaan Puntland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka