Animation

TOP NEWS: Dhageyso farmaajo oo shabaabka u diray codsi aan caadi aheyn miyeysa aqbali doonan??

no responses
Sunday June 18, 2017 - 2:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha soomalia maxamad c/llahi farmaajo ayaa markale alshabaab ugu baaqay in miiska wada hadalka ay soo fadhiistaan .

Farmaajo oo hadal ka jeedinaayay shir weynaha dib u heshiisiinta qaran ayaa waxa uu shabaab ka dalbaday in ay dib u heshiisiinta ka qeyb qaataan.

“Waxaan u direynaa dib u heshiisiin oo aan ka hadleynay maalmahaan la soo dhaafay oo idil waa qolada dorraad carruurta nooga laayay maqaayad lagu afurayey oo aanu u aabo yeelin dumar, duqey, carruur iyo cirroole oo aan u dirnay cafis oo aan ku dhahnay kaalaya waan wada hadleynaa hubka dhiga , haddii aad la dagaaleysaa dowlad, dowladdaan shacabkaa keenay ee aan wada hadalno, dadkaan haleynina hantidaanna ha burburinna, welina waan ku taagannahay, ilaahay waxaan ka baryeeynaa qoladaasi inuu soo celiyo oo caqligooda ku shaqeeyaan oo ay ka haraan qolada la shaqeysa ee ajanabiga ah”ayuu yiri Madaxweynaha