Animation

TOP NEWS: Dhageyso Dowlada Soomaliya oo Hanjabaad Culus u dirtay Donald Trump iyadoona sheegtay in go’aan ay….

no responses
Tuesday January 31, 2017 - 3:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arimaha Dibbada Soomaliya Cabdi Salaan hadliye Cumar oo Wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Donald trump oo ku aadanay in Wadankaasi aysan gali karin dadka ka soo safraya 7 Wadan oo Muslim u badan kuwaasi oo soomaliya ay ku jirto.

Wasiir Hadliye waxa uu sheegay in Dowlada Soomaliya ay aad uga xuntahay go’aankaasi uu qaatay Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Trump isagoona intaa raaciyay in Dalkastoo uu leeyahay Mowqfi isaga u gaar ah Dwolada Mareykanka ay leedahay go’aankeeda wixii doontana ay sameyn karto balse kan dowlad ahaan ay iyaga ka xunyihiin Amarkaasi.

” Golaha Wasiirada Soomaliya ayaa ka tashan doona go’aankaan ka soo baxay Trump Marka aan Muqdisho ku laabto ayuuna golaha ka shiri doona Go’aanka Dowlada ay ka qaadan karto Mowqifkaasi ku aadan Mamnuucida Dadka ka safraya Wadanka Soomaliya” ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka