Somali News Top News

TOP NEWS: Dowlada Soomaaliya oo Cadeysay In Ciidamada Booliska aysan Awoodin in Amaanka ay Xaqiijiyaan sababta Maxay tahay?

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Maxamad Shiikh Xasan Xaamud ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Booliska Soomaaliyed marka loo fiiriyo xaalada amaanka iyo ciidmada booliska ee hanana kara amaankaas ay aad u kala badantahay, isaga oo sheegay in tirada Ciidamada Booliska ay dowladdu heysato in tiradoodu ay yartahay.

Generaal Xaamud ayaa intaasi ku daray in ay loo baahanyahay in Dowladu ay xaliso Duruufaha iyo tabashooyinka ay qabaan Ciidamada si wax looga qabto Amaanka Dalka .

Ciidamo Boolis ah ayaad ku arkeysa Wadooyinka Muqdisho kuwaas oo loogu tala galay in ay sugaaan Amaanka Caasimada Sidaasi ay tahay hadana waxaa Caasimada ka dhaco maalin iyo habeen Falal Amni daro ah oo ay ugu badantahay Dilalka Qorsheysan ee lagula kaco Saraakiisha Ciidamada iyo Shaqaalahga Dowlada.

Ciidamada Dowlada qeybahooda kala duwan ayaa inta badan ka cawda mushaar la’aan waxaana dadka qaar ay is weydiinayan Ciidan aan qaadan mushaar ku filan sidee Amni u sugi karaa .

Related posts

Xasaasi: Dowlada Soomaliya oo Isbuuca soo socda ku dhawaaqi doonto Go’aan kenya Halis weyn ku ah

Tifaftiraha K24

CALI GEEDI oo xoqonaya kaarkii Cabdullaahi Yuusuf Iyo cumar cabdirashiid…

Mohamed Abdirashid Abaajo

DEG DEG: Shariif Xasan oo ka badbaday isku day dil

admin

1 comment

Comments are closed.