Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Dowlada Federaalka Maxay kala Socota Gabadh Muwaadin Soomaaliyed ah oo Dalka Australia isku gubtay Mise ka war qabta in dowladu ay…

Iyadoo dhawaan Jaziirada Nauru ee Dalka Australia ay isku gubtay Gabadh Soomaaliyeed oo qaxooti aheyd ayaa waxaa markii ugu horeysa ka hadasha Dowlada Federaalka soomaaliya.

Gabadha Soomaaliyeed oo 21 jir aheyd ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla dalka Australia iyada oo xaaladdeedu ay liidato.

gabadhan ayaa isku gubtay gudaha xarun lagu hayo dadka magan-gelyo doonka ah oo ay Austrlia ku leedahay Jaziiradda Nauru.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in xaaladda gabadhaasi ay hada aad u wanagsantahay isagoona xusay in maanta uu kala hadli doono safiirka Australia ee Kenya u fadhiya.

Jaziirada Nauru waxaa ku jira Qaxooti badan oo Soomali ay ku jiraan waxaana dowlada Australia ay dadkaasi u diidantahay in dalkeeda ay soo galaan oo sharciyo ay heleen waxaana dhowr jeed oo hore sidaan oo kale jaziiradaasi ka dhacday falal dadka qaxotiga ay naftooda ku qatar galinaya .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Sheekh Shamsadiin makaawi oo Lacag looso wakiishay ku Wareejiyeey Maamo Mudo Xanuusanaysay (Sawiro)

Tifaftiraha K24

Dhagayso+Sawiro:- Kulan Shaqaalaha Tayeenta Puntland ku saabsan oo Garowe ka Furmay

Tifaftiraha K24

Dab ka Kacay Qeybo ka mid ah Mareykanka Oo Ruux 3: Somali ah ku Dhimatay

Sakariye Sakariye