Animation

TOP NEWS: Dhageyso: Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Beri dhici doonta Xili ay Is casilaan Labo Musharax

no responses
Tuesday January 10, 2017 - 5:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Xog-haayaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ee Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isaaq Cali  ayaa ka hadlay jadwalka Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay Beri oo Arbaco ah Taariikhduna ay tahay 11-Janaayo in la dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kaliya, waxaana xilkaasi u tartamaya ilaa iyo Afar Musharax.

Aadan Isaaq ayaa sheegay in maalinta sidoo kale la soo dooran doono Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.

“Guddigeenu si wanaagsan ayuu igu diyaar garoobay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, waxaana doorashadu ay ka dhici doontaa sida Guddigu qorsheeyay xarunta golaha shacabka.”sidaasi waxaa sheegay Xoghaayaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada.

Dhanka kale xildhibaan Aadan ayaa sheegay inay tartanka Doorashada isaga hareen labo musharax oo u aagnaa xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Sugulle ayaa iska casilay Musharaxnimadooda, waxaana tartanka xilka Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka haatan u taagan ilaa iyo 10-Musharax oo kale.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Facebook Comments