Animation

TOP NEWS: Dhageyso Diyaarad Qaad ka keentay Wadanka Kenya oo Shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha Dagmada…..

no responses
Sunday September 18, 2016 - 2:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Sid aay sheegayan Wararka aynu ka heleyno Dagmada Bardaale ee Gobolka Baay Diyaarad Qaad siday oo dalka kenya ka timi ayaa ku bur burtay Garoonka diyaaradaha Dagmada Bardaale.

Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Weedow Cali Xasan ayaa sheegay in Diyaarada ay ka baxday Wadadii loogu tala galay sidaasina uu shilka ku gaaray diyaarada.

Diyaarada ayuu sheegay in Cilad yar ay soo gaartay kadibna ay awoodi weysay in ay saxdo wadadii ay ku dagi laheyd sidaasina uu shilka ku soo gaaray.

Guddomiyaa ayaa xusay in bur bur yar uu diyaarada gaaray Haatan ay socdaan Howshii Dib u dayactirka diyaaarada Waxaana uu intaasi ku daray in ay ku Howlanyihiin Injineeradii ku shaqada lahaa sameynteeda.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha

Facebook Comments