Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Daba Geed oo si kulul ula Hadlay beelaha ku dagaalamaya Duleeda Beledweyne

Iyadoo Dagaal beeleedypo ay ka socdaan duleedka Magaalada Beledweyne ayaa Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa uu kaga hadlay si kul isagoona baaq kulul u diray dhinacyada ay dirirta u dhaxeyso.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmad Hagar daba geed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa ka digay in deegaanka qarancad ay markale ka dhacaan dagaal beeleed .

Daba geed ayaa ugu baaqay waxgaradka laba beelood in ay colaada ku dhameeyaan wada hadal iyo is afgarasho inta ay dagaalami lahaayeen .

Hadalka Gudoomiyaha waxaa uu imanaya xili maalintii shalay dagaal culus uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qarancad oo 15-KM dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Baledweyne dagaalkaas oo u dhaxeyay laba beelood oo deegaanka wada daga.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Yuusuf Daba geed

Related posts

DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Siilaanyo Oo Hargeysa Ka Soo Dagay, Xili Xaaladiisa Caafimaad………………..

admin

Daawo: Dayactir balaaran oo lagu sameeyay xafiisyada cusub ee ay ku howlgali doonto Waaxda Carabta ee wasaradda arimaha dibadda

Tifaftiraha K24

Daawo Sawirada : Ciidamada Galmudug oo Gacanta ku dhigay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo

admin