Animation

TOP NEWS: Dhageyso C/Wali Gaas oo Afka Furtay Weerar Dhanka Afka ahna ku qaaday Siyaasiyiin ay ka Mid yihiin RW ku Xigeen Cumar Carte iyo Wasiir Maareeye…

no responses
Thursday September 15, 2016 - 4:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali maxamad Cali Gaas oo Maanta ku laabtay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay Socdaalkiisa Muqdisho iyo Shrikii Madasha uu ka qeyb galay iyo qodobada lagu heshiiyay.

Gaas ayaa soo Hada qaaday Hadal ka soo yeeray siyaasiyiinta iyo Odayaasha Soomaliland ka soo jeeda ee Ku jira Doiwlada Federaalka kaasi oo ay uga soo Horjeesteen Habka loo qeybiyay Xildhibaanada Aqalka Sare iyo In Puntland Xubno Dheeri ah looku kordhiyay Xildhibaanada Aqalka Sare.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga jawaabay War qoraal ah ay maanta Muqdisho ka soo sareen Siyaasiin & Odayaal uu horboodayo Raysalwasaare kuxigeenka Xukuumada Faderaalka Maxamed Cumar Carte (Qaalib) kaas oo ay uga soo horjeedeen Saamiga Puntland ay ka heshay xubnaha Aqalka Sare.

Gaas ayaa sheegay in Siyaasiyiinta hadalkooda uusan dhagysan balse aysan Gobolada Puntland ka tarjumi karin kana hadli karin Siyaasiyiin iyo Odayaal jooga Muqdisho.

”Nin Xamar jooga Puntland iyo axwaasheeda kama hadli karo wana garanayaa ninka meesha jooga ee qabiilka u hadlaya marna Soomaaliland  ayaa nahay leh marna dir Waqooyi marka kama hadli karaan Puntland iyo Dawladeeda.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Cabdi Wali Gaas