Animation

TOP NEWS: Dhageyso Guddiga Doorashooyinka oo Shaaca ka qaaday Arin aad Xasaasi u ah..( Tollow Maxay tahay???? )

no responses
Thursday September 15, 2016 - 9:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddoomiyaha guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, mudane Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa ka sheekeeyay qeybaha isla wadi doona doorashooyinka dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in shaqada ugu badan ay qaban doonaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban ee dalka, guddiga xallinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah iyo bahda warbaahinta.

 

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiye Cumar Dhageey,in ay jiri doonto Geeddi socod ka billaabanaya xullista Ergooyinka, illaa laga gaaro doorashada madaxda qaranka ee dalka.

 

“Doorashada dalka waxaa loo marayaa nidaam caalami ah, waxaa doorka ugu muhiimsan qaadan doona guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah iyo bahda saxaafadda, sidoo kale musharrax ma aha qof walba oo hadda ku dhowaaqay musharaxnimadiisa ilaa ay buuxiyaan shuruudaha loo diyaariyay musharraxiinta, waana in ay soo maraan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Dhageey.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka