Animation

TOP NEWS: Dhageyso Cumar C/Rashiid oo Arin Xasaasi ah ka sheegay Doorashada Dalka ka dhaceysa iyo In Dib u dhac uu……

no responses
Thursday November 3, 2016 - 7:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raisul Wasaaraha Soomaliya Cumar C/Rashiid oo Booqasho ku tagay Wadanka Jabuuti ayaa waxa uu ka hadlay Socdaalkiisa Halkaasi iyo Ujeedka uu salka ku haayo.

Sharmaarke ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu uga warbixyay Xaaladda wadanka Soomaliya iyo Doorashada la filaayo in ay ka dhacaan.

Raisul wasaaraha ayaa Intaasi ku daray in madaxweynaha Jabuuti uu kala hadlay Arimaha Ammaanka iyo doorashooyinka oo Xiligooda ku dhacaya waxaana si cad ugu sheegay buu yiri madaxweynaha Jabuuti in Doorashada aysan Marnaba dib u dhici doonin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin maalmaha soo socda in Deegaanada Gobolada Dalka ee ay ka dhacayaan Doorashooyinka in ay ka bilaabato Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Jabuuti waxa uu kaga tacsiyadeeyay Askartii u dhalatay Jabuuti ee lagu laayay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shabaab ay ku qaadeen xero Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka