Animation

TOP NEWS: Dhageyso Col Warfaa Shiikh Aadan oo ka Warbixiyay Qaabkii uu u dhacay Dagaalkii Ceel-waaq iyo Cida ka Dambeysa…

no responses
Saturday September 17, 2016 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24

Inta la Xaqiijiyay Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Shalay Galinkii dambe Dagmada Ceel-waaq Dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidanka Dowlada iyo Alshabaab.

Alshabaab ayaa Magaalada ka soo weerartay Laba Jiho waxaana la sheegay in Dhowr jeer ay isku dayeen in Magaalada ay soo galaan Balse ay difaac xoogan kala kulmeen Ciidanka Dowlada .

Hadaba Col. Warfaa Sheikh Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada dowlada ee gobolka Gedo oo Wareysi Dhinacyo badan taabanaya siiyay Laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in Dagaalka ay shabaabka soo qaadeen Islamarkaana Ciidanka Dowlada ay iska Caabiyeen.

Afhayeenka Ciidanka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu intaasi ku daray in Xaalada ay kacsantahay oo Haatan magaalada ay ka jirto Xiisad..

” Shabaabku Seddex Jeer ayey weerar soo qaadeen laba jeer waala jabiyay Markii Seddexaad ayey u suurta gashay in Magaalada ay la wareegeen” sidaasi waxaa VOA u sheegay Warfaa sheekh aadan Afhayeenka Ciidanka Dowlada ee Gobolka Gedo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalka uu ku dhintay Colonel Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.

Dhinaca kale ayuu sheegay in Shabaabka ay Magaalada kusoo galeen Gaadiidkii ay Horay uga qabsadeen Ciidanka Kenya ee Ceel-cadde lagu weeraray iyagoona iska soo dhigay Keenyaatiga sidaasina ay magaalada kusoo galeen.

Ugu Dambeyn wuxuu ka hadlay arinta la xiriirta in Ciidanka aysan helin Mushaar aysan sidoo kale helin Gurmadkii ay u Baahnaayeen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga oo Dhameysiran